Israel ayaa sii waddo weerarada ay ku bartilmaameedsaneyso goobaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah, taasoo sare u qaadday tirada shacabka aan hubeysneyn ee lagu dilay Marinka Gaza.
Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa maanta sheegtay duqayn ay saakay gaysatay Israel ay ku dhinteen 15 qof oo isku qoys ahaa.
Hay’adda ayaa sheegtay in dhibaneyaasha ay ku jiraan sagaal carruur ah iyo saddex haween ah, ka dib markii la duqeeyay hoygooda oo ku yaala xaafadda Az-Zawayda ee bartamaha Marinka Gaza.
Sidoo kale duqaymo kale oo dad rayid ah ay ku dhinteen ayaa ka dhacay bartamaha Marinka Gaza, iyadoo si toos ah loo beegsaday goobo ay dadku gabaadsanayeen.
Toddobo qof oo hal qoys ka soo wada jeeday ayaa ku dhintay duqayn ka dhacday dhisme jihada galbeed kaga toosan xerada qaxootiga Nuseirat.
Taliska Militariga Israel ayaan ka hadlin dhacdooyinkan ugu dambeeyay ee dadka rayidka ah lagu dilay ee ka dhacay Marinka Gaza.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 48-kii saac ee la soo dhaafay ay Ciidamada Israel dileen 69 qof, halka 136 kalena ay dhaawaceen, kuwaa oo dhammaantood dad rayid ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tani ay wadarta guud ee dhimashada, tan iyo markii uu dagaalku bilowday ay ka dhigeyso 40,074 qof iyo dhaawaca 92,537 kale.
Xilli ay jirto rajo laga qabo in la gaaro heshiis xabad joojineed ayay Israel sii waddaa tallaabooyinka ay uga sii dareyso xaaladda dadka rayidka ah.
Tallaabooyinkan ugu dambeeyay ee Israel ayaa ka carreysan kara Ururka Xamaas, waana wax lagu macneeyay mid ay Israel ku carqaladeyn karto dadaalada caalamiga ah ee wada halada xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga.