Home Dhacdooyin 17 qof oo isku qoys ahaa oo lagu dilay Marinka Gaza (SAWIRRO)

17 qof oo isku qoys ahaa oo lagu dilay Marinka Gaza (SAWIRRO)

by Laacib

Waxay ahayd dhacdo kale oo argagax leh oo Israel ay maanta ka gaysatay Marinka Gaza, iyadoona goob qura ku dishay 17 qof oo hal qoys ka soo wada jeeday.

Mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Israel ayaa gantaal ku dhufatay dhisme ay qoyskaasi deganaayeen oo ku yaala xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.

Dhismaha ayaa ku burburay weerarkaasi, iyadoona la sheegayo in inta badan xubnaha qoyska ay ku dhinteen weerarka xagga cirka

Xafiiska Warfaafinta Gaza ayaa sheegay in 17 ka mid ah xubnaha qoyska ay ku dhinteen weerarka Israel, kuwaa oo 14 ka mid ah ay yihiin dumar iyo carruur.

Dhisme kale oo la duqeeyay ayaa waxaa ku dhintay afar qof oo shacab ah, dhowr kalena ay ku dhaawacantay. Dhismahan ayaa ku dhow suuqa Nuseirat.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in sagaal qof oo kale lagu dilay duqaymo ay Talaadadan diyaaradaha Israel ka gaysteen xerada qaxootiga Bureij oo ku dhow xerada Nuseirat, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay beegsadeen dad rayid ah oo u badan carruur.

Weerarada xagga cirka ee ay Israel ka waddo qaybaha Marinka Gaza ayaa ah kuwo aan ka fiirsasho lahayn, iyadoona ciidamadeeda ay si aan kala sooc lahayn u bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah.

Weerarada ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan goobaha ay shacabku gabaadsanayaan ayaa kororka dhimashada iyo dhaawaca ee rayidka ka dhigtay mid si xowli ah isu soo tareyso.

Caalamka ayaa ka soo horjeeda qaabka ay Israel u waddo dagaalka ay sheegtay in ay ku wiiqeyso kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta. Dunida ayaa dagaalka u aragto mid ka dhan ah shacabka aan hubeysneyn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc