Home Dhacdooyin 179 oo qof oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Koonfurta Kuuriya (SAWIRRO)

179 oo qof oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Koonfurta Kuuriya (SAWIRRO)

by Laacib

Diyaarad rakaab sidday ayaa maanta ku burburtay dalka Koonfurta Kuuriya, xilli ay isku dayeysay inay ka degato garoon diyaaradeed oo ku yaala dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in cilad ay ku timid diyaaradda, taasna ay ugu wacan tahay inay ku dul dhacdo dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka ku yaala Magaalada Muan, wax yar ka dibna uu dab qabsado. Muan ayaa qiyaastii 290km u jirta Caasimadda Seoul.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in ay maqleen qarax weyn oo ka dhashay dhicistii diyaaradda, ka dibna ay maqleen qaraxyo kaloo xiriir ah oo la rumeysan yahay inay ka dhasheen qalabkii diyaaradda.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa sheegtay in diyaaraddu oo nooceedu ahaa Boeing 737 ay ka timid dalka Thailand, isla-markaana ay la socdeen 175 rakaab iyo 6 shaqaale ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in la badbaadiyay laba ka mid ah shaqaalihii diyaaradda, taasoo macnaheedu yahay in dhammaan rakaabkii la socday diyaaraddaasi ay dhinteen.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in labadaasi qof ay miyir qabaan, oo aysan ku jirin xaalad halis ah.

Waaxda Dab-demiska ayaa sheegtay in la xaqiijiyay geerida 85 haween ah iyo 84 rag ah, halka 10-ka kale aan si degdeg ah loo aqoonsan jinsigooda, marka aad eegto in ay si xun ugu gubteen dabka ka kacay diyaaraddaasi.

Marka laba reebo laba qof oo u dhashay dalka Thailand, inta kale rakaabka ayaa u dhashay dalkaasi Kuuriyada Koonfureed.

Diyaaraddan ayaa waxaa iska leh Shirkadda Jeju Air, waxayna shilka la kulantay, xilli ay ka soo laabaneysay Magaalada Bangkok.

Shirkadda Jeju Air oo soo saartay warsaxaafadeed raaligelin ah ayaa ballanqaaday inay ka shaqayn doonto gargaar iyo taageera buuxda oo la xiriirta masiibadan.

Dhacdadan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah masiibooyinka duulimaad ee ugu xumaa ee Koonfurta Kuuriya iyo kii ugu xumaa ee taariikhda ka dhaca dhulka Kuuriyada Koonfureed.

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhawaaqday toddobo maalmood oo baroordiiq qaran ah oo ku aaddan shilkan diyaaradeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc