Home Wararka Maanta Xubno loo haysto Shabaabnimo oo caawa lagu qabtay Muqdisho

Xubno loo haysto Shabaabnimo oo caawa lagu qabtay Muqdisho

by Laacib

Ciidanka Xasillinta Magaalada Muqdisho ayaa caawa hawlgal ka sameeyay Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, iyadoona uu hawlgalku la xiriiray mid amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare ayaa gudaha u galay Waaxda Saqawadiin ee degmadaasi, iyagoona gacanta ku soo dhigay muqaadaraad iyo nin la sheegay inuu waday.

“Ciidanka ammaanka ayaa caawa fiidkii Hawlgalka Ciiltire ku soo qabtay maandooriyaha (qamri iyo calaq) Degmada Howlwadaag, gaar ahaan Waaxda 2aad ee Saqawadiin. Hawlgalka Ciiltire ee Ciidanka Booliska, NISA iyo Polizia Militare ayaa ujeedkiisu yahay xaqiijinta amniga, ciribtirka Khawaarijta, burcadda iyo maandooriyaha. Sidoo kale waxaa lala soo qabtay eedeysanihii waday maandooriyaha.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo goor dhow ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Warka ayaa lagu sheegay in intii uu hawlgalku socday lagu soo qabtay laba nin, oo si dhow loola xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

“Isla hawlgalka ayaa lagu soo qabtay 2 eedeysane oo la rumeysan yahay in ay Khawaarij yihiin.” Ayaa lagu yiri warka.

Is bedel weyn oo dhanka amniga ayaa muddooyinkii ugu dambeysay laga dareemay Caasimadda Muqdisho, tani oo ka dambeysay, markii nabadgelyada magaalada lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc