Home Dhacdooyin Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Somalia kulan kula qaatay Raysal Wasaare Abiy Ahmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Somalia kulan kula qaatay Raysal Wasaare Abiy Ahmed

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Raysal Wasaare Abiy Ahmed, kaas oo maanta safar shaqo ku yimid Magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyagoo adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab, oo ay aasaas u tahay is ixtiraam qaranimo iyo ka dheeraanta fara-gelinta arrimaha gudaha dal kasta, sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo Raysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Ethiopia ayaa wadajir u soo dhaweeyay is afgaradka ay gaareen Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka Somaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Ethiopia (ENDF), kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, waxa ayna bogaadiyeen billowga wadahadallada farsamo ee ka socda Ankara oo muujiyey sida ay labada dal uga go’an tahay wada-hadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi miro-dhal ah.” Ayaa lagu yiri warka.

Waxa kaloo lagu sheegay “Raysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Somaliya soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyay mudnaanta uu dalkiisu siinayo xiriirka labo-geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, si ka tarjumaysa danaha labada dal iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyay Raysal Abiy Ahmed booqashada uu ku yimid dalka iyo wada hadalada miro-dhalka ah ee ay ku yeesheen Villa Somalia ayaa ku celiyay aragtida soo jireenka ah ee ay ku dhisan tahay diblomaasiyadda Somaliya ee ilaalinta deris wanaagga, is ixtiraamka qarannimo iyo in aan cidna laga aqbalayn ku xadgudubka midnimada iyo wadajirka shacabka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.”

Xiriirka labada dal ayaa soo hagayay, ka dib heshiiskii uu Turkigu garwadeenka ka ahaa ee ay ku gaareen Caasimadda Ankara.

Heshiiskan ayay kaga gudbeen 11 bilood oo xiisad diblomaasiyadeed ah oo ka dhalatay heshiiskii is afgaradka badda ee ay Itoobiya la gaartay Somaliland.

Bayaankii Ankara ayaa lagu sheegay in labada dowladood ay ku heshiiyeen in la iska ilaabo wixii xiisadda keenay, labada dalna ay bilaabaan bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

Abiy Ahmed, Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa saacado dib ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde, isagoona dib ugu laabtay Addis Ababa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc