Home Wararka Maanta Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsiisay Jimciyadda SOHEDA

Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsiisay Jimciyadda SOHEDA

by Laacib

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq gargaar waxa ay gaarsiisay Hay’adda Soheda oo gacanta ku haysa dad danyar ah.

Deeqdan ayaa waxay qayb ka tahay mashruuca afurinta iyo taakuleynta bisha Barakaysan ee Ramadan ay wadday Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, iyadoona ay ka faa’iideysteen ku dhawaad 100 qoys oo danyar ah.

Deeqdan ayaa isugu jirtay bur, bariis, sonkor, saliid iyo timir, si ay qoysaskaasi ugu moodaan inta lagu guda jiro bishan Ramadan.

Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi, Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa sheegay in deeqda ay geeyeen Xarunta SOHEDA ay qayb ka tahay kaalmada bani’aadantinimo ee ay HSF bixineyso bishan.

Gudoomiyaha Jimciyadda SOHEDA, Saciid Abuukar Maxamed ayaa dhankiisa ka mahadceliyay deeqdan oo la soo gaarsiiyay, xilli ay dadku baahi weyn u qabeen.

Qoysaska ka faa’iideystay barnaamijka afurinta ee Hormuud Salaam Foundation ayaa hay’adda uga mahadceliyay, sida ay Ramadan kasta u soo xusto.

Hay’addan ayaa bisha Ramadan kordhisa deeqda ay siiso dadka jilicsan, si aysan uga welwelin wixii ay ku afuri lahaayeen, isla-markaana ay saxuurta ka dhigan lahaayeen.

Ramadanku waa bisha ay ugu baahida badan yihiin dhammaanba dadka jilicsan, bishaas oo ay kor u eegaan dadka ladan ee Alle uu wax siiyay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc