Dood kulul oo dhex martay Trump iyo Biden

Waxaa goor dhow la soo geba-gabeeyay dooddii ugu horeysay doodo saddex ah, oo ay tahay inay yeeshaan Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Musharaxa Madaxtinimada ee Xisbiga Dimoqraadiga, Joe Biden, ka hor doorashada bisha November.

Doodda oo qaadatay 90 daqiiqo, laguna qabtay Magaalada Cleveland ee Gobolka Ohio ayaa taabaneysay doorashada 3-da bisha November ee lagu wado inay ku loolamaan Donald Trump iyo Joe Biden.

Doodda ayaa waxaa ka qaybgalay 100 qof oo keliya, sababo ku aadan xakameynta iyo ka hortagga xanuunka COVID-19, balse illaa boqol milyan oo qof ayaa kala socotay shaashadaha dalkaasi.

15-kii daqiiqo ee ugu horeysay ayayba dooddu ku bilaabatay xasarad iyo buuq, iyadoo midba midka kale ay adkeyd inuu fursad u siiso kan kale, si uu doodiisu u sii wato.

Wariyihii dhexdhexaadinayay ayaa la arkaayay isagoo soo kala dhex gelaaya, isuna deyaaya bal inuu xakameeyo doodda, si aanay farahiisa uga bixin.

Intii ay dooddu socotay ayay labada dhinac buuq iyo sawaxan abuurayeen, iyadoo ay dooddu ku saleysneyd illaa 6 qodob, oo qodobkiiba laga doodaayay 15 daqiiqo.

Doodaan ayaa la qabtay, xilli Joe Biden uu ra’yi uruurinta dadweynaha ku horeeyo muddo toddobaadyo ah.

Haddii Madaxweyne Trump looga adkaado doorashada 3-da November waxa uu noqonaya Madaxweynihii 3-aad ee ku guuldareysta in dib loo soo doorto, afartankii sano ee la soo dhaafay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com