Duqa Muqdisho oo la kulmay Guddoonka Baarlamaanka

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta ku kulmay Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kala hadlay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Labada dhinac ayaa isu waafaqay, sidii looga wada shaqayn lahaa metelaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Bartamihii sanadkan ayay ahayd markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku baaqay in laga shaqeeyo hirgelinta Metelaadda Gobolka Banaadir.

Golaha Shacabka ayaa sidoo kale xilligaa ansixyay in Gobolka Banaadir uu 13 Senator ku yeesho Aqalka Sare.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com