Faah faahin: Haweeney ismiidaamin ka gaysatay Muqdisho

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa weerar ismiidaamin ahaa, oo ay maanta Magaalada Muqdisho ka gaysatay qof dumar ahayd, taasoo xirneyd jaakadda ka sameysan walxaha qarxa.

Haweeneydan ayaa qaraxa ka gaysatay inta u dhaxeyso Isgoysyada Black Sea iyo Baar Ubax ee Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan agagaarka Xaruntii Shirkadda Daallo.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydan ay bartilmaameedsatay goob uu maraayay Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida, gaar ahaan qaybta dharcadka.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay Caano-geel ayaa ku geeriyooday qaraxaasi. Sarkaalkan waxa uu horey uga soo goystay Ururka Al Shabaab. Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhintay hal qof oo kale, halka laba kalana ay ku dhaawacantay.

Waa markii ugu horeysay oo ismiidaamin lagu dilo mid ka mid ah xubnaha sar sare ee ka soo goystay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Shabaabka ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka ismiidaaminta loo adeegsaday, ee ka dhacay Bartamaha Magaalada MUqdisho.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli toddobaadyadii la soo dhaafay uu ka soo reynaayay amniga Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com