Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.
Masuuliyiin uu ka mid ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Maaliyadda, Mukhtaar Cali Cismaan ayaa Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ku soo dhaweeyay halkaasi.
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa soo indha-indheeyay waaxyaha & qaybaha kala duwan ee Wasaarada Maaliyadda. Sidoo kale Masuuliyiinta Wasaaradda ayuu ka dhageystay warbixin guud, oo ku saabsan hawlaha Wasaaradda.
Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa Shaqaalaha Wasaaradda ku ammaanay, kuwo si wanaagsan u guto waajibaadka loo igmaday.
Hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa wada qorshe ku aadan hagaajinta hannaanka maaliyadeed ee maamulka, iyadoo lagu guuleystay dejinta miisaaniyad ku saleysan qarashaadka iyo daqliga maamulka, waxaana la fillayaa in uu kordho daqliga gudaha ka soo xarooda.






Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com