Wasaaradda Beeraha oo soo bandhigtay buugaag ka hadlaya beeraha dalka

Kusimaha Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, madax ka socotay Mashruuca GEEL iyo qubaro dhanka beeraha ah ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Buugaag ka hadlaya hagaha Tacabka iyo dhoofka Mooska Soomaaliya iyo Fursadaha maalgashi ee beeraha, waxaana buugaagtan diyaarintooda iska kaashaday Wasaarada Beeraha Soomaaliya iyo Mashruuca GEEL

Madaxa mashruuca GEEL Maxamed Cabdi Nuur ayaa ka hadlay dadaalada lasoo geliyay buugaga lasoo bandhigay ee ka hadlaya maalgashiga Beeraha Soomaaliya.

“Labadan buug ugu yaraan Mashruuca Geel iyo Wasaaradda Beeraha waxa ay ka wada shaqeynayeen muddo sanad ah, waana wax lagu farxo in teamka Wasaaradda ay hogaaminayeen diyaarinta buugaagta, waana buugaag wax badan ka tari doono hannaanka loo marayo maalgashiga” ayuu yiri Maxamed Cabdi Nuur.

Ku-simaha Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay inay ku howlanyihiin sidii Mooska Soomaaliya uu u heli lahaa maalgashi iyo suuqyo caalami ah, si loo dhiiri geliyo beeraleyda Soomaaliyeed.

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay munaasabadan qiimaha leh oo lagu daah furayo buugaagtan, labadan buug oo aad iyo aad muhiim ah, midna uu ka hadlayo maalgeshiga beeraha, midna uu ka hadlayo hagidda iyo tilmaamidda horumarinta mooska, aad iyo aad baan uga wada mahadcelineynaa dadkii ka soo shaqeeyay” ayuu yiri Wasiir Ciid.

Ugu dambeen Kusimaha Wasiirka Beeraha ayaa daahfuray Systamka M-Tacab oo ay xog ku wadaagi doonaan ganacsatada beeraha ee ku kala sugan gobolada dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com