Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgalo ka sameeyay Gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ku baxay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, ka dib markii la sheegay inay ku sugan yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka ayaa isaga baxay deegaanada Gunsaar iyo Sinadhaqo, ka hor intii aanay gaarin Ciidanka Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Xoogga Dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo bilaa dagaal kula wareegay deegaanadaasi ayaa waxay ka sameeyeen hawlgalo amni xaqiijin ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dhamme Cabdullaahi Cali Dhimbil, Madaxa Hawlgalada ee Guutada 15aad oo hoggaaminayay Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Shabaabku isaga carareen deegaanadaasi, ka dib markii ay ka war helayn gulufka kaga soo wajahan Xoogga Dalka.

Sarkaalkan ayaa sheegay in uu sii socon doono gulufka dib uga bilowday qaybo ka mida Gobolka Galgaduud, si Shabaabka looga saaro dhulka ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay hujuum ku haayay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com