Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu so laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa ay ka ambabaxeen Magaaalada Muqdisho oo waayahan dambe ay ku sugnaayeen.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho wuxuu ka qayb galay Shirarkii looga hadlaayay arrimaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale wuxuu kulamo kala duwan la qaatay Xildhibaanada ka soo jeeda deeganada Maamulka Koonfur Galbeed ee ku jira Baarlamaanka Somaliya.