Madaxweyne Qoorqoor oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Maqribnimadii dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug ayaa toddobaadkii hore Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay shirkii Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ee lagu go’aamiyay habraaca iyo hannaanka doorashada 2020/21.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiisha Ciidamada.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa gaadiidka qufalan loogu galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com