R/Wasaare Rooble oo Safarkii ugu horeeyay ugu ambabaxay dalka dibadiisa

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda JFS mudane
Mohamed Hussein Roble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Kuwait halkaas oo uu uga qeyb galayo tacsida Amiirkii geeriyooday ee dalkaas AUN Sheikh Sabaax AlAxmed Alsabaax.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Ra’iisul Wasaare Rooble ugu ambabaxo dalka dibadiisa tan & markii xilka Wasiirka koowaad ee dalka loo magacaabay.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa matalaya dalka Waxaana madaxda dalka Kuwait uu gaarsiin doonaa farriinta tacsida ee dowladda & Shacabka Somaliyed.

Safarkiisa waxaa ku wehliya Ra’iisul Wasaaraha xubno ka mid ah golaha Wasiirada ee xil sii gaarsiinta.