Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa gaaray dalka Kuwait.
Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa waxaa Garoonka Magaalada Kuwait ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa dalkaasi u tagay, sidii uu uga qaybgeli lahaa tacsida Amiirkii Kuwait, Sheikh Sabah al-Ahmad al-Sabah, oo toddobaadkii hore ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa mudada uu ku suganyahay dalkaasi waxaa lagu wadaa inuu kula kulmo Amiirka cusub ee Kuwait iyo masuuliyiinta kale ee dalkaasi.
Waa safarkii ugu horeeyay uu Rooble ugu ambabaxo dalka dibaddiisa, tan iyo markii uu codka kalsoonida ka helay Xildhibaanada Golaha Shacabka, 23-kii bishii September.



Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com