Shirkadda Safar oo adeeg Taksi ka daahfurtay Magaalada Muqdisho

Shirkadda Safar Taxi ayaa maanta si rasmi ah Daah Fur loogu sameeyay Magaalada Caasimda ah ee Muqdisho iyadoo Munaasaabada Daahfurka ay ka soo qeyb galeen bulshada qeybahooda kala gidisan Sida ganacsatada, siyaasiyiinta, Ururada Haweenka, Dhalinyarada jaamacadaha, iskaashatooyinka, gaadiidka Takaasida & Mas’uuliyiin kale.  

Ugu horeyntii waxaa munaasabada hadal jeedin ka sameeyay agaasimaha Safar Taxi Mudane C/risaaq Maxamed Jaamac “ Oo ku dheeraaday ahmiyada safar taxi isagoo tibaaxay in bulshada Soomaaliyeed ay fursad Shaqo abuur U yahay iyagoo waliba qiima jaban ku raacaya Qofku marka uu kireysanayo Safar Taxi.”  

Sidoo Kale Waxaa Munaasabada ka Hadlay Madaxa Iskaashaatooyinka gaadiidka Takaasida Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale “ isagoo sheegay inay Furasad Shaqo abuur U tahay wadayaal farabadan oo gaadiidka takaasida ku Shaqeysan jiray Laakiin aan macaamiil badan heli jirin maalintii.”  

Sidoo kale Waxaa munaasbadda ka hadlay madaxa suuqgeynta & iibka Huyndai, Mrs Hibo Warsame “iyadu ka dhawaajisay in gaadiid casri ah ay u keentay shirkadda safar Taxi isla mar ‘ahaantaasna ay umada Soomaaliyeed uga faa’ideysan doonaan modelkii ugu danbeeyay gawaarida casriga ah.”  

Ugu dambeen waxaa munaasabadda soo xiray Madaxa Dahabshiil Group Banaadir & Labada Shabelle Mudane C/risaaq xaaji xuseen “ oo sheegay in Dahabshiil Group ay mar walbo u taagantahay Daboolida baahida ay Qabaan Umada Soomaaliyeed isagoo ku dheeraaday ahmiyada safar taxi kuna tilmaamay isku xiraha bulshada .   Sidoo kale waxa uu Ka dhawaajiyay in Xarigii labaad ee Fiber Optic ah ay soomaaliya ka hirgaliyeen.”   magaca ka Garo safar taxi waxa uu soo af-jarayaa baahida gaadiidka takaasida iyadoo macaamiilku Qiimo jaban ku raacayaa isagoo edahab Ku bixinayaa.   Si aad u dalbato Safar Taxi La soo dag APP-ka Safar Taxi, ama La xiriir Number-ka gaaban ee Somtel 3000.

Si aad isaga diiwaangaliso Safar Taxi Fadlan Garaac *3000# kadibna Raac Tilmaamaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com