Sicir barar ka jira Puntland iyo kor u kac ku yimid sarifka qalaad

Puntland ayaa maanta guddi u magacawday inay ka soo tala bixiyaan sicir bararka ka jira deegaanada Puntland iyo kor u kaca ku yimid sarifka qalaad.

Wasiirka Wasaaradda Puntland, Xasan Shire Cabdi ayaa guddigan u magacaabay inay ka soo tala bixiyan xaaladan soo korortay, ka dib kulan uu la yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda.

War uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay haataan ka shaqeyneyso, sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka laga dareemay suuqyada Puntland.

Sida warka lagu sheegay waxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland maalmaha ina soo aadan soo saari doontaa barnaamij lagu xakameynayo sarifka dollarka Mareykanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com