Sirdoonka Jubbaland oo gacanta ku soo dhigay 3 Shabaab, oo amni-darro waday

Maamulka Jubbaland ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku soo bandhigay saddex nin, oo lagu eedeeyay inay falal amni-darro ka wadeen magaaladaasi.

Soo qabashada raggan ayaa ka dambeysay, ka dib hawlgalo ay xaafadaha Magaalada Kismaayo ka sameeyeen Ciidanka Nabad Suggida & Sirdoonka Jubbaland.

“Fashilinta iyo soo qabashada shabakadaan ayaa timid kadib markii ay Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Maamulka ay hawlgalo xiriir ah ka sameeyeen xaafadaha Magaalada Kismaayo.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Nabad Suggida Jubbaland.

Sida qoraalka lagu sheegay waxa ay saddexdaasi nin qirteen in xilliyada habeenkii ay bambaanooyinka gacanta laga tuuro ku tuuri jireen goobaha ay bulshada isugu timaado.

Magaalada Kismaayo waxaa xilliyadii ugu dambeysay ku soo badanayay bambaanooyinka lagu tuuro goobaha dadweynuhu ku caweeyaan.

Xalay oo ugu dambeysay waxaa bambo gacmeyd lagu weeraray maqaaxi ku taala xaafadda Farjano, waxaana ku dhaawacantay dhawr qof.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com