Ciidamada dowladda oo xiray wadada Maka Al Mukarama

Ciidamada Booliska Somaliya ayaa xiray wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho oo ah wado muhiim u ah isu socodka dadka & gaadiidka.

Lama oga sababta keentay in ciidamada ammaanka ay xiraan wadada Maka Al Mukarama, balse waxaa la ogyahay wadadaasi inay tahay mid dadka si wayn u isticmaalaan.

Shacabka Muqdisho ayaa ah kuwa lugeynaya, iyadoo qoraxda ay tahay mid aad u kulul.

Xalay wadooyin ka mid Caasimadda ayaa dhagxaantii yaalay laga qaaday, waxaana la geeyay oo lagu jaray wadooyin kale oo isla Muqdisho ka tirsan.

Dadka ayaa isweydiinaya sababta ciidamada ay u xireen wadada, iyadoo aysan jirin xaalad amni ama Magaalada shirar muhiim ah aysan ka socon.