Muqdisho: Nin toorey ku dilay haweeney ay kala taggeen

Cabdi Xasan Maxamed ayaa gelinkii dambe ee Axadii waxa uu Magaalada Muqdisho ku dilay haweeney ay dhawaan kala taggeen, ka dib markii ay diiday inay isku noqdaan.

Cabdi Xasan Maxamed ayaa dilka Zamzam Cabdiwaaxid Daahir Geelle u adeegsaday toorey, sida ay sheegtay Amran Abshir Cabdi oo ah gabar ay dhashay marxuumadda.

Amran Abshir Cabdi ayaa sheegtay in gacan ku dhiiglaha uu xoog ku soo jebiyay albaabka hoygooda, oo ku yaala xaafadda Silliga ee qaybta Degmada Wadajir, ka hor intii aanu dilin hooyadeed.

Amran waxay sheegtay inay arkeysay markii uu ninkaasi tooreyda ku dhufanayay hooyadeed, oo u geeriyooday dhaawac halis ah oo tooreydaasi ka soo gaaray.

Cabdi Xasan iyo Zamzam Cabdiwaaxid oo aan wax ubad ahi isu dhalin ayaa kala tagay 26-kii bishii August ee sanadkan, sida ku cad warqadda furriinka.

Aabe Cabdiwaaxid Daahir Geelle oo ah aabaha dhalay marxuumadda ayaa Shabelletv u sheegay ka hor inta aanu falku dhicin in uu u yimid ninkaasi, isla-markaana uu u sheegay inuu doonayo inuu dib ugu laabto gabadhiiisa, ha yeeshee uu weydiiyay inay gabadha ogoshahay iyo in kale, Salaaddii Maqribka ka dibna uu maqlay in la dilay gabadhiisii.

Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleysatay inay gacan ku dhiiglaha ka soo qabtaan meel aan sidaasi uga fogayn hoygii uu falka ka gaystay, iyadoo uu iminkana u xiran yahay sharciga.

Dhacdadan ayaa dareen argagax leh ku abuurtay bulshada deegaanka, waxayna noqotay midda ay ugu hadalhaynta badan yihiin dadka deegaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com