Nin dhalinyaro ahaa oo lagu toogtay Degmada Balcad

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, nin dhalinyaro ahaa ayaa lagu dilay Magaaladaasi.

Dilka wiilkaan dhalinyarada ahaa ayaa waxaa ka dambeeyay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federalka Somaliya, kaasi oo si goobtiisa ganacsiga ku dilay marxuumka.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Abshir suubow, waxaana lagu dilay Goob Ganacsi uu ku lahaa Xaafada Xaawa Taako degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada Maamulka Degmada Balcad oo gacanta ku soo dhigay shaqsiga dilka gaystay ayaa waxa ay ku xireen Saldhiga Degmada Balcad.

Askariga dilka u gaystay wiilkaan dhalinyarada ahaa ayaa ku doodaya in Xabada ay kaga fakatay, balse uusan ku talo gal u dilin.