Somaliland oo lagu xiray dad faafinaayay Diinta Kirishtaanka

Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad ku hawlanaa faafinta Diinta kirishtaanka.

Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis oo Warbaahinta la hadla, ayaa sheegay hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska inay soo qabteen dadkaan.

Wuxuu sheegay dadka la soo qabtay inay yihiin laba ruux oo ku hawlanaa faafinta Diinta kirishtaanka, islamarkaana shacabka ku dhex faafinaayay.

Waxa uu sheegay in labada qof ay qabteen ay yihiin kuwo Qur’aanka Kariimka iyo Cilmiga kale ee diinta kuwo si wanaagsan u yaqaanay, sla markaana ay u gudbiyeen Maxkamadda si Cadaaladda loo marsiiyo.

Waxaa uu ugu baaqay dhamaan dadka ku nool degaannada Soomaaliland inay ka feejignaadaan falalka noocaas oo kale ah cid allaala cidii aragtana  Booliska ay si deg deg ah ugu soo wargeliyaan.