Xasan Sheekh oo dowladda ku eedeeyay fashil Siyaasadeed

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay dowladda Somaliya inay ku fashilantay hoggaaminta dalka & balan qaadyadii shacabka ay u sheegtay.

Wuxuu sheegay afar sano kadib dalka wali inuu taagan yahay meeshii uu uga tagay oo aheyd doorasho dadban in la aadaayo, balse ay suurageli wayday waxyaabihii shacabka ay u sheegi jirtay dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay maalinta Xafiiska ay la wareegtay dowladda in looga fadhiyay ka shaqeynta arrimaha doorashooyinka, balse taasi aysan dhicin.

“In meeshii 2016 aan joogno waxaa kalifay in Shaqo la qaban waayay oo horumar siyaadadeed dalka uusan gaarin oo ay aheyd in horay loo socdo, waxaana nasiib xumo ah in dowladda aysan wax horurmar ah sameyn Afartii sano ee la soo dhaafay.

Wareysi uu siiyay Tvga Somali Cable ayaa Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tilmaamay fashilka Siyaasadeed ee dowladda haysta, waxaana uu sheegay in afar sano kadib wali dalka inuu taagan yahay meeshiisii.

Dowladda Somaliya ayaa ku fashilantay in la qabto doorasho qof & cod taasi bedelkeedana waxaa dalka ka dhaceyso doorasho dadban oo ergada dadka ay soo dooranayaan.