Gaari shacab oo Miino kula qaraxday inta u dhaxeysa Balcad & Basra

Wararka ka imaanaya inta u dhaxeysa Basra & Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi gaari shacab miino kula qaraxday.

Gaarigaan oo ahaa nooca dadweynaha raacaan ee Caasiga ayaa la sheegay inuu ku socday wadada u dhaxeysa Basra & Balcad.

Dadkii saarnaa baabuurka ayaa qaarkood la sheegayaa inay ku dhinteen, kadib markii miinada ay la qaraxday.

Si rasmi ah looma khasaaraha dhimashada & dhaawaca ka dhashay Qaraxa gaariga qabsaday inta uu la eeg yahay.

Dad kala duwan oo ka baxay Degmada Balcad ayaa gurmad ahaan u gaaray goobta ay wax ka dhaceen oo la sheegay inay xigto dhanka degmada Balcad.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com