Jadwalka soo xulista Xildhibaanada Hirshabelle oo la soo saaray

Guddiga Farsamada ee ku hawlan soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Hirshabelle ayaa soo saaray jadwalka ay tahay in loo maro soo xulistooda.

Xubnaha Guddiga Farsamada oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayay ka soo saareen jadwalka bayaaminaya sida shaqada u kala horeyso.

Sida ku cad jadwal 8-da illaa 15-ka bishan waa soo dhaweynta Odayaasha Dhaqanka, hubintooda iyo dhameystirka liiskooda. Odayaasha Dhaqanka waa kuwa soo xulaya Xildhibaanada.

21-ka illaa 20-ka bishan ayaa la soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Hirshabelle, iyado mudadaasina loogu diyaargaroobi doono doorashada.

Xildhibaanada cusub waxaa la dhaarin doonnaa 31-ka bishan October, iyadoo 1-da bisha November ay yeelan doonaan kulankoodii ugu horeeyay, halka 5-ta November ay soo dooran doonaan Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com