R/Wasaaraha oo kormeeray Safaaradda Somaliya ee Kuwait (SAWIRRO)

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday Safarada Soomaaliya ee Kuwait.

Waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi.

Rooble ayaa safiirka iyo howl wadeenna uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay shacabka ugu adeeggaan una matalaan Qaranka iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale u soo jeediyay dardargalinta howlaha horyaalla oo ay ka mid yihiin in ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Qaybaha kala duwan ee Safaaradda ayuu ku soo dhex wareegay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka Kuwait.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com