Rag ku eedeysan ka ganacsiga carruurta oo lagu qabtay Afgooye

Ciidamada Booliska Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo ku eedeysan ka ganacsiga carruurta.

Raggaan ayaa laga qabtay Bosteejada Baabuurta Xamar laga soo raaco ee ku taallo Degmada Afgooye, waxaana jirta hadal hayn ah gabar la waysanaa maalmahan inay halkaasi gaari ka saari rabeen.

Inkastoo Booliska aysan soo saarin war sax ah oo ku aadan in raggaan kiiska ay ku eedeysan yihiin uu mid jiro yahay, haddana waxaa socota Baaritaan ay wadaan Booliska.

Labada Ruux ayaa waxaa lagu xiray Saldhiga Booliska Degmada Afgooye, waxaana baaraya kiiskooda Saraakiisha ciidanka.

Muddooyinkaan dambe waxaa guud ahaan Muqdisho & deeganada ku xeeran ku soo batay carruurta la waynaayo ee Baraha Bulshada laga dhex baafinaayo.

Waxaa jira shaki ah inay jiraan shaqsiyaad ka ganacsada afduubka Carruurta oo dhaqaale kala duwan dadka ku waydiista.