Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa ku soo laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib safar laba maalmood qaatay, oo ay ku soo jooggeen dalka Kuwait.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa dalkaasi u tagay, ka qaybgalka tacsida Amiirkii Kuwait, Sheikh Sabah al-Ahmad al-Sabah, oo toddobaadkii hore ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana loo galbiyay Villa Somalia.

Waa safarkii ugu horeeyay uu Ra’iisal Wasaaruhu ku taggo dalka dibaddiisa, tan iyo markii uu codka kalsoonida ka helay Xildhibaanada Golaha Shacabka, 23-kii bishii September.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa dib u guda geli doono soo xulista Golihiisa Wasiirada, iyadoo aan la ogayn mudada ay qaadan doonto, inkastoo uu caadiyan haysto muddo hal bil ah, laga soo bilaabo markii xilka loo dhaariyay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com