Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka horyimid jadwalkii ay maanta soo saareen Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Hirshabelle.
Guddiga Farsamada ee ku hawlan soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Hirshabelle ayaa soo saaray jadwal ay ku sheegayeen sida shaqada ay tahay in loo kala hormariyo.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa qoraal uu goor dhow soo saaray waxa uu ku sheegay in jadwalka ka soo baxay Guddiga Farsamada uu yahay mid ku yimid latashi la’aan, isla-markaana uu go’aanka ka soo baxay, iyadoo ay ka maqan yihiin xubno dumar ah.

Madaxweynaha ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle, iyadoo kaashaneysa Dowladda Federaalka iyo deeq bixiye-yaasha inay soo diyaariso tababarada iyo awood siinta guddiga.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Wasaaradda Dib-u-heshiisiinta faray inay dib-u-heshiin u qabato beelaha, si dhiilada beelaha aanay caqabad ugu noqon dhismaha maamulka cusub.
Diidmada Madaxweyne Waare waxay ku soo aadaysaa, iyadoo uu suuqa ku jiro warar sheegaya in uu xusulduub ugu jiro muddo kororsi lix bilood ah, xilli muddo xileedkiisa uu gabaabsi yahay.


Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com