Warbaahinta Dowladda oo magaca laga bedelay

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta furay munaasabad lagu daah furayo geedi socodka hirgelinta adeegga warbaahinta dadweynaha sida uu dhigayo xeerka saxaafada ee uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay in hadda wixii ka dambeeya Warbaahinta Dowladda loo bedelay nidaamka adeegga dadweynaha, halkaasi oo ay soo xaadireen ururada bulshada, ururada saxaafadda iyo qaar ka mid ah hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasadda dalka.

“Warbaahinta Dowladda waa inay u shaqeysaa sida kuwa caalamka, waana u adeegi jirtay shacabkeed, hase ahaatee cid walbo oo bulshada ka mid ah oo ka shaqeyneysa danaha dalka fikirkeeda waa gudbineynaa, waana sababta uu Madaxweyne Farmaajo u ogolaaday.” Ayuu yiri wasiir Maareeye.

Xubanaha ururada saxaafadda, bulshada rayidka iyo xisbiyada ayaa soo dhaweeyay, waxayna ugu baaqeen hoggaanka Wasaaradda Warfaafinta inay ka dhabeeyaan hirgalinta adeegga Warbaahinta Dadweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u saxiixay xeerka saxaafadda, kaas oo ka soo gudbay Labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta Qaranka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com