Al Shabaab oo sii daayay dhaqaatiirta Cuba u dhashay ee u afduubnaa

Al-Shabaab ayaa sii deysay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba kuwaas oo ay sanadkii hore ka afduubteen magaalada Mandera, gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP, dhaqaatiirta ayaa la sii daayay dhammaadkii toddobaadkii hore, kaddib bilooyin wada xaajood lagula jiray kooxda.

Dhaqaatiirtan oo lagu kala magacaabo Landy Rodriguez iyo Herera Correa ayaa afduub loo heystay muddo sanad iyo bar ah. AP ayaa sheegtay in sarkaal Soomaali ah uu codsi uu ka helay dowladda Cuba isagoo wada xaajood ka galay sii deynta dhaqaatiirta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cuba Bruno Rodriguez ayaa bartiisa Twitter-ka qoraal uu ku soo qoray ku sheegay in labada dhaqtar la sii daayay isagoo dowladda Soomaaliyana u mahad celiyay.

Weli ma cadda halka haatan lagu hayo dhaqaatiirta, akddib sii deyntooda.