Booliska Baardheere oo digniin adag u diray dadka Shabaab Garsoorka u doonta

Taliska ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa soo saaray amar adag oo ku socda dadka garsoorka u doonta deeganada Shabaabka ay Maamulaan.

Taliyaha  Saldhiga Booliska degmada  Baardheere Gaashaanle Cabdi Sheekh Xasan Cilmi ayaa sheegay in laamaha Amniga degmada Baardheere aysan maranaba ogolaan doonin in dadka ay maxkamadaha Al-Shabaab u xukun doontaan.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in Al-Shabaab ay yihiin Urur dagaal kula jira dowladnimada Soomaaliya, isla markaana cid kasta oo la Shaqeeysa, sidoo kalena xukun u doonata ay lamid yihiin Al-Shabaab lana dagaalami doonaan.

Ugu dambeyn Taliyaha Booliska Baardheere Gaashaanle Cabdi Sheekh Xasan Cilmi waxaa uu sheegay in ciddii aan fulin amarka kasoo baxay Booliska ee garsoor u doonta Al-Shabaab degaannada ay ku sugan yihiin tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Amarkaan kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli inta badan la sheego in dadka ku sugan meelaha ay dowladda Soomaaliya maamusho ay garsoor u doontaan degaannada ay maamulaan Al-Shabaab.