Ciidanka Gorgor oo cagta mariyay maxkamad ay laheyd Al Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee ka tirsan Xoogga Dalka ayaa maalintii 3aad hawlgal ka wada wadada xiriirisa Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa shaac ka qaaday in hawlgalka lagu burburiyay saldhigo badan, oo halkaasi Shabaabku ku lahaayen.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in goobaha la burburiyay ay ku jirto xarun maxkamadeed, oo Shabaabku dadka ugu jeeri jireen, kuna baadi jireen, sida uu yiri.

General Odawaa Yuusuf Raage oo wareysi siiyay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa hadafka laga leeyahay hawlgalka waxa uu ku sheegay mid ay tahay in lagu burubriyo saldhigyada Al Shabaab.

Ciidanka Gorgor ayaa waxaa hawlgalkan ku wehlinaya Guutooyinka 7aad iyo 3aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, sida uu xaqiijiyay General Odawaa.

Hawlgalka maalin ka hor lagu qabtay deegaanka Basra, oo ah goobta xiriirisa Labada Shabelle ayaa waxaa lagu macneeyay mid aynaan mahdin maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com