Dabley hubaysan oo dad shacab ku dilay Muqdisho

Dabley hubaysan ayaa xalay dad shacab ah waxa ay ku dileen xaafad ka tirsan Degmada Dharkiinley ee Gobolkaan Banaadir.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Xoosh, kadib markii dableyda hubaysan ay isku dayeen inay dadkaan ka dhacaan taleefoonada gacanta lagu qaato.

Dadkii watay taleefoonada ayaa iska diiday inay dhiibaan, waxaana taasi ay kaliftay in rasaas ay ku furaan Burcadii, halkaasina ay ku geeriyoodaan.

Goobta falka uu ka dhacay durba waxaa ku baxay oo gaaray Ciidamada Booliska Saldhiga Dharkiinley, inkastoo aysan falkaasi cidna u soo qaban.

Dharkiinley ayaa ka mid noqotay Degmooyinka ugu amniga liita ee Gobolkaan Banaadir, maadaama ay ka dhacaan falal dilal qorsheysan & dhaca joogtada ah ee shacabka degmadaasi ku nool loo gaysto.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com