DF oo dib u eegis ku sameysay Heshiiskii Dekeda Muqdisho (SAWIRRO)

Dowladda Somaliya ayaa maanta dib u eegis ku sameysay Heshiiskii Maalgelinta Dekeda Muqdisho ee Shirkadda Albayrk, oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Kusimaha Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog u ahaa heshiis ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Shirkadda Albayrk ayaa sheegay in sanadihii la soo dhaafay tallaabo fiican loo qaaday dhanka xoojinta maalgashiga dalka.

Kusimaha Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay macnaha ay u leedahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed in dib u eegid iyo horumarin lagu sameeyo heshiiskii 2014-kii ay kala saxiixdeen Dowladda Somaliya iyo Shirkadda Albayrk, ee ku saabsanaa hawlgelinta Dekeda Muqdisho iyo ballaarinteeda.

Heshiiskan ayaa lagu soo koobay 5 sano oo uu qeexayo hannaan lagu sii kordhin karo muddada dheer ee ka hartay heshiiskii hore ee 20-ka sano ahaa, balse ay saldhig u tahay guulaha laga gaaro qorshaha ballaarinta Dekeda Muqdisho iyo hannaankeeda hawlgelina, iyadoo Dowladda Somaliya ay korjoogteyn doonto, kana soo saari doonto qiimeyn muujinaysa hirgelinta qodobada lagu heshiiyey.

Heshiiska waxaa Dowladda Federaalka u saxiixay Sii Hayaha Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Maryan Aweys, halka dhanka Shirkadda Albayrak uu u saxiixay Ahmet Sami Isler iyo Fehat Akkaya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com