Dowladda oo war ka soo saartay sii deynta dhakhaatiirta u dhalatay Cuba

Axmed Ciise Cawad, Sii Hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa beeniyay in la sii daayay laba dhakhtar oo u dhashay dalka Cuba, in muddo ahna u afduubnaa Ururka Al Shabaab.

Warbaahinta caalamka iyo kuwa gudaha ayaa maanta baahiyay in maleeshiyada Al Shabaab ay sii daayeen dhakhaatiirtan, oo Shabaabku ka soo afduubteen dalka Kenya.

Warbaahinta caalamka ayaa sheegtay in sii deynta labadaasi dhakhtar ay ka soo xigteen Sarkaal ka tirsan Dowladda Somaliya.

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inaanu warkaasi ahayn mid ka soo baxay Dowladda Somaliya, isla-markaana uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Dhakhaatiirtan oo lagu kala magacaabo Landy Rodriguez iyo Assel Herrera ayaa ka mid ahaa dhakhaatiir u dhalatay dalka Cuba, oo ka hawlgala dalka Kenya.

Ururka Al Shabaab ayaan weli dhankooda ka hadlin wararka la xiriira sii deynta labadaasi dhakhtar, inkastoo aan Shabaabka looga baran inay ka hadlaan dadka ay madax furashada ku sii daayaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com