Shabaab oo hoobiyeyaal ku weeraray Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al shabaab ayaa tiro hoobiyeyaal ah xalay waxa ay ku weerareen Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb.

Illaa Shan hoobiye ayaa la sheegay Shabaab inay ku weerareen Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, laba ka mid Hoobiyeyaasha ayaa ka gudbay garoonka oo ku dhacay xaafado shacab degan yihiin.

Illaa laba ruux oo shacab ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen hoobiyeyaashaasi, ma jiraan khasaare dhimasho oo la soo wariyay.

Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhankooda ridaayay tiro hoobiyeyaal ah oo ay kaga jawaabayeen kuwa lagu soo riday.

Xaaladda saaka waxa ay tahay mid degan, waxaana duleedka dhuusamareeb hawlgal ka wada Ciidamada Haramcad oo iyagana qayb ahaan ka degan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com