Illaa 8 qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen, kaddib markii Xubno ka tirsan Ururka ay Al-Shabaab ay weerareen, baabuur bas ah oo ka baxay Mandheera kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Gaariga la weeraray ayaa waxaa saarnaa dad fara badan oo Shacab ah, waxaana dadkii weerarkaasi ku dhaawacmay la geeyay Isbitaallada Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Mandheera ayaa waxaa uu sheegay in weerarka uu ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalada Ceelwaaq iyo degaanka Katimho, isla markaaan dadka waxyeelada la gaarsiiyay ay ahaayeen dhamaantood Shacab.
Waxaa uu sheegay in Afar kamid ah dadka ku waxyeeloobay weerarkaasi uu dhaawacoodu yahay mid clus,sidoo kalena laamaha Amniga dowladda Kenya ay baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaasi.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weerareen Basas isaga kala gudbayay Magaalooyinka dalka Kenya, waxaana weeraradaas ka dhasha khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaara dadka saran.