Masuuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa caawa sheegay in Cali Khalif Galayr uu u geeriyooday xanuunka COVID-19, ee Coronavirus uu keeno.
Masuuliyiinta oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jigjiga ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyay marxuumka lagu ogaaday inuu u geeriyooday xanuunkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in qoyska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya ay Safaaradda Mareykanka ee dalka Itoobiya ka codsadeen in baaritaan deg deg ahi lagu sameeyo sababta uu u geeriyooday marxuumka.


Cali Khaliif Galeyr ayaa noqonaya Ra’iisul Wasaarihii 2aad ee Soomaaliyeed oo xanuunka COVID-19 u geeriyooday. Ra’iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa xanuunkaasi 1-dii bishii April ee sanadkan ugu geeriyooday Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Galeyr ayaa sidoo kale noqonaya Ra’iisul Wasaarihii 3aad oo sanadkan oo keliya ka baxa umadda Soomaaliyeed. 12-kii bishii Luulyo ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaare Xasan Abshir Faarax uu ku geeriyooday Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Allaha u naxariistee marxuum Galeyr ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida, halkaasoo uu muddooyinkii ugu dambeysay u joogay arrimo u gaar ah.
Madaxda Qaranka iyo siyaasiyiinta kale ee Soomaalida ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Cali Khaliif Galeyr.
Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa guddi qaran u magacaabay qaban-qaabada aaska marxuum Galeyr, iyadoo uu guddigu cayimi doono goobta ay tahay in lagu aaso.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com