Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal duqeyn ay ka gaysteen maanta.
Duqeymaha ayaa waxaa diyaaradaha ay ka fuliyeen degaannada kala ah Baliga Harakoobe. Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable, kuwaas oo hoostaga degmooyinka Beled-Xaawo & Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaareey.
Sida dadka deegaanka soo warinayaan goobaha duqeynta ay ka dhacday, ayaa waxaa ku sugnaa dad shacab xoolo dhaqato ah, kuwaasi oo waxyeelo ay soo gaartay.
Hal ruux ayaa la xaqiijiyay illaa hadda inuu ku dhintay duqeyntaasi, waxaa kale oo jira dhaawacyo dad shacab ah soo gaaray.
Dadka deegaanka waxa ay ku waramayaan goobaha duqeynta ka dhacday inay ku sugnaayeen dad xoolo dhaqato ah.
Diyaaradahan ayaa la sheegayaa in laga leeyahay dalka Kenya, sidaasina ay u bartilmaameedsado deeganadaasi, balse waxaan la ogeyn sababta dad rayid Kenyanka u duqeeyaan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com