Madaxweyne Waare oo safar deg deg ku tagaya Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa la filayaa in manta oo Khamiis ah ay tagaan Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waare oo ku sugan Magaalada muqdisho ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doona Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo maalahaan shirar siyaasadeed ku lahaa Muqdisho.

Ujeedka Wafdiga Madaxweyne Waare ay u tagayaan Magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii uu Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan kala hadli dlahaa Arrimaha soo xulista xildhibaannada.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan waxaa la filayaa inay ka bilaawdaan doorashooyin, iyad aoo ay jirtay in Guddiga farsamada doorashooyinka ay soo saareen jadwalka doorashada, balse uu kasoo horjeestay Madaxweynaha Hirshabeelle.