Qarax miino oo ka dhacay Degmada Afgooye

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaa halkaasi ka dhacay Qarax Miino.

Qaraxan ayaa la galiyay meel ku dhaw koontaroolka Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye, halkaasi oo Ciidamada ammaanka ay ku sugan yihiin.

Lama oga illaa hadda Khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ah ee Qaraxaan ka dhashay, balse goobjoogayaal ayaa ku soo waramaya inuu jiro Khasaare.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray Koontaroolka Baar Ismaaciil, waxaana halkaasi ka socoto hawlgalo ay wadaan Ciidanka.

Al Shabaab ayaa qaraxyada Miinooyinka waxa ay ku aasaan wadooyinka ay maraan Ciidamada & goobaha ka agdhaw ciidanka si ay ugu dhibaateeyaan ciidamada.