Ra’iisul Wasaarihii hore Somaliya Cali Khaliif oo geeriyooday

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Caasimadda dowlad deegaanka Somalida.

Cali Khaliif Galeyr ayaa la sheegay inuu xanuunsanaa muddooyinkii dambe, islamarkaana uu maanta geeriyooday.

Geeridiisa waxaa xaqiijiyay masuuliyiin kala duwan, kuwaasi oo baraha Bulshada uga tacsiyadeynaayay marxuumka.

Cali khaliif galeyr ayaa ka sokow xilka Ra’iisul Wasaarnimo wuxuu dalka ka soo qabtay xilal kala duwan, isaga oo mar soo ahaa Madaxweynihii Maamulkii la oran jiray Khaatumo State.