Taariikhda Cali Khaliif Galeyr, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya

Allaha u naxariistee Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ahaa siyaasiyiinta weyn ee dalka looga garanayo ayaa ku dhashay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, sanadka marka uu ahaa 1941-kii.

Waxbarashadiisa aasaasiga illaa Dugsiga Sare ayuu ku qaatay Degmada Sheekh ee Gobolka Togdheer, iyadoo waxbarashada Dugsiga Sare uu uga baxay sanadkii 1962-kii.

Cali Khaliif Galeyr ayaa sanadkii 1980-kii waxa uu ka mid noqday Xubnihii Baarlamaanka ee Dowladdii Dhexe. Sanadkii 1989-kii ayuu Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u magacaabay Wasiiirkii Waxbarashada.

Sidoo kale waxa uu ka soo qayb qaatay shirweynihii dib-u-heshiisiinta iyo dib u yegleeliddii Dowladnimada Somaliya, ee sanadkii 2000 lagu qabtay Magaalada Carta ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Galeyr ayaa ka mid noqday Xubnihii Baarlamaanka ee Dowladdii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan. Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa 8-dii bishii October ee sanadkii 2000 waxa uu Cali Khaliif u xushay inuu noqdo Ra’iisul Wasaarihiisii ugu horeeyay, xilka ayuuna ku magacawnaa illaa 28-kii October ee sanadkii 2001-dii.

Waxa uu door ku lahaa Dhismaha Maamulka Khaatumo, iyadoo 14-kii bishii August ee sanadkii 2014 loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Khaatumo State.

Allaha u naxariistee marxuum Galeyr ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida, halkaasoo uu muddooyinkii ugu dambeysay u joogay arrimo u gaar ah.

Madaxda Qaranka iyo siyaasiyiinta kale ee Soomaalida ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Cali Khaliif Galeyr.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa guddi qaran u magacaabay qaban-qaabada aaska marxuum Galeyr, iyadoo uu guddigu cayimi doono goobta ay tahay in lagu aaso.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com