Gudoomiyihii Degmada Afgooye oo shaqada laga eryay (Sababta)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Cumar Qaasim (Ibraahim Carab).

Wareegto uu gelinkii dambe ee maanta soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii Degmada Afgooye, iyadoona xilkaasi loogu magacaabay Aweys Cabdullaahi Cumar (Aweys Buulalow).

Gudoomiyaha cusub ee Degmada Afgooye ayaa waxaa la faray si daacad ah uu u guto waajibaadka loo igmaday.

Ibraahim Carab ayaa xilka soo haayay tan iyo 2-dii bishii November ee sanadkii 2019, markaasoo uu xilka u soo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xil ka qaadista Ibraahim Carab ay timid, ka dib markii uu si khalafsan kaga hadlay kufsi haweeney 85 jir ahayd, 27-kii bishii hore ee September loogu gaystay degmadaasi.

Kufsiga haweeneydan ayaa dhacay maalintii uu xilka la wareegayay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble, isla-markaana ballanqaaday in wax ka qaban doono tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com