Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweyne Ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland & Wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa waxa ay ka soo ambabaxeen Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Ujeedka ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho xubnahan ayaa waxa ay tahay ka qayb galka aaska qaran ee loo sameynaayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Khaliif Galey.

Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa Khamiistii wuxuu ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Caasimadda dowladda deegaanka Somalida.

Maanta ayaa la filayaa maydka Marxuumka in laga soo dajiyo Garoonka Aadan Cadde, waxaana aaskiisa ka qayb galaya masuuliyiin kala duwan oo dowladda Somaliya ka tirsan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com