Muwaadinkii Soomaaliyeed ee dembiga lagu waayay oo lagu qafaashay Nairobi

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya ayaa sheegaya in lagu afduubtay muwaadinkii Soomaaliyeed, ee toddobaadkii hore dembiga ku weyday Maxkamadda Kenya.

Liibaan Cabdullaahi Cumar ayay Maxkamadda Kenya maalintii Arbacada ku weyday wax dembi ah, xilli uu ka mid ahaa saddex nin oo lala xiriirinayay inay la shaqeeyeen kooxdii weerartay rugta ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi.

Maxkamadda ayaa dembi ku heshay Maxamed Axmed Cabdi iyo Xuseen Xasan Mustafa, waxaana lagu wadaa in la xukumo 22-ka bishan.

Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo Liibaan Cabdullaahi, bacdamaa wax dembi ah lagu waayay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in laga dhex afduubtay Magaalada Nairobi, ka dib sii deyntiisii.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garanayn ay qafaasheen, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa Magaalada Nairobi.

Qoyska Liibaan Cabdullaahi oo qaxooti ku ah dalka Kenya ayaa Warbaahinta la wadaagay afduubkiisa, iyagoona walaac ka muujiyay maqnaanshihiisa.

Laamaha ammaanka ee dalkaasi ayaan wax wara ka soo saarin tallaabada lagu qafaashay muwaadinkaasi Soomaaliyeed iyo weliba ciddii qafaalatay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com