RW Rooble oo la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed, Cali Siciid Fiqi

Gudoomiyaha ayaa maalmahaanba socdaal ku joogay Magaalada Muqdisho, iyadoo maantana uu kaga qaybgalay aaskii qaran ee loogu sameeyay Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Cali Khaliif Galeyr.

Kulanka ayay labada masuul kaga arrinsadeen arrimaha doorashooyinka iyo sidii Koonfur Galbeed kaga qayb qaadan laheyd doorka kaga aadan.

Labada dhinac ayaa muujiyay inay daneynayaan in doorashadu noqoto mid daahfuran, isla-markaana ku qabsoomto si nabadgelyo leh.

Rooble ayaa Fiqi kala shaqayn doono hawlaha dowliga ah, ee ay tahay in loogu adeeggo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com