Wararkii ugu dambeeyay dil caawa ka dhacay Masaajid ku yaala Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa Masaajid ku yaala magaaladaasi lagu dilay nin dhalinyaro ah, oo lagu magacaabi jiray Siciid Jaamac Maxamed (Siciid Maradona).

Dilka ayaa ka dhacay Masaajidka Abu Hureyra ee xaafadda Israac ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo. Goobjoogayaal ayaa sheegay in nin bastoolad hubeysnaa uu gudaha u soo galay Masaajidka, isla-markaana uu ku dhex dilay Siciid Jaamac Maxamed.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu ahaa mid laga garanayay magaalada, isla-markaana uu wade ka ahaa gaari ka dhex shaqeeya Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.

Dilka ayaa Masaajidka Abu Hureyra ka dhacay wax yar uun ka dib, markii laga baxay Salaaddii Maqrib, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dembiilaha uu ka baxsaday goobtaasi, ka hor intii aanay gaarin Ciidamada Booliska Puntland.

Ciidamada Booliska Puntland oo kaashanaya cutubyo ka tirsan kuwa Galmudug ayaa caawa magaalada ka wada hawlgal lagu baadigoobayo dembiilaha, iyadoo markaasi la raacayo tilmaamaha ay bixiyeen goobjoogayaasha.

Dadka ku dhaqan xaafadda Israac, gaar ahaan dadkii lagu hor dilay Siciid Maradona ee ku sugnaa Masaajidka Abu Hureyra ayuu dilkiisa ku beeray dareen argagax leh, iyadoona ay dadku aad u hadalhayan.

Ma cadda sababta loo dilay Siciid Maradona oo rayid ahaa, balse dilalka ceynkani oo kala ah ayaa looga bartay maleeshiyada Ururka Al Shabaab, kuwaa oo loo tiriyo inay dadka macno la’aan isaga dilaan.

Dilkan waxa uu ku soo aadaya, xilli billooyinkii ugu dambeeyay uu ka soo reynaayay amniga Magaalada Gaalkacyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com